Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo Daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda
Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa si rasmi ah u daahfuray Tababbarka Hannaanka Casriyeynta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda Dowladda, kaas oo ay ka qaybgalayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tababbarkan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda hoggaamineed iyo xirfadeed ee Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo la waafajinayo hababka casriga ah ee maamulka, maamulka shaqaalaha iyo maareynta maaliyadda dowladda.
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa sheegay in tayeynta aqoonta iyo xirfadaha masuuliyiinta maamulka ay laf-dhabar u tahay hirgelinta dib-u-habaynta adeegga rayidka iyo kor u qaadidda hufnaanta hay’adaha dowladda. Waxa uu ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababbarka, isla markaana aqoonta iyo waayo-aragnimada ay helaan la wadaagaan shaqaalaha kale ee hay’adahooda.
Tababbarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo maamulka dowladda, lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta, isla markaana lagu dhisayo adeeg rayid oo casri ah, karti leh, kana jawaabi kara baahiyaha shacabka.
